Muqdisho: (Sh. M. Network) Kooxo hubaysan ayaa Caawa degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku toogtay mid ka mid ah Macallimiinta Dugsi quraanka ka dhiga gudaha degmadaasi.
Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in caawa mid ka mid ah Macallimiinta Dugsiga quraanka ka dhiga gudaha degmadaasi kooxo ku hubaysan Bastoolladu ay ku dileen Xaafadda Xaawo Taako degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Dadka deegaanka ah ayaa sheegay in Kooxaha dilka gaystay ay isaga baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay, islamarkaana halkaasi ay soo gaareen Ciidamo ka tirsan Dowladda oo sameeyay howlgallo baaritaanno ah, iyagoo gacanta kusoo dhigay ku dhawaad 9-ruux oo looga shakisan yahay dilka Macallinkaasi.
Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana Ciidamada Dowladda ay wali howlgallo ka wadaan gudaha degmada, iyadoo dadka ay caawa hadal hayaan dilka loo geystay Macallinka Dugsiga quraanka ee wax ka dhigayay gudaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo loogaysto Mas’uuliyiinta dowladda iyo dadka rayidka ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in degmadaasi lagu weeraray dhowr wariye oo ka howla Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.























Comments are closed.