Muqdisho:(Sh.M.Network)—Fiidnimadii xalay ayaa Kooxo ku hubaysan Bastoolado waxa ay Xaafadda Suuqa weyn degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ay ku toogteen wiil dhalinyaro ah oo ku sugnaa halkaasi sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen dad deegaanka ah.
Dilka wiilka dhalinyarada ah ayaa waxaa kasoo baxaya warar is khilaafsan, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in Wiilka uu ka mid ah dadka deegaanka ah, halka kuwa kalena ay sheegayaan in uu ka mid ah Ciidamada amniga ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Ciidamo ka tirsan Dowladda oo dilka kaddib gaaraya halkaasi ayaa waxa ay sameeyeen howlgallo baaritaanno ah oo ku aaddan cidda ka dambeysay, inkastoo aan la ogeyn cidda ay kusoo qab qabteen howlgalladaasi.
Xiriiro aanu la sameynay Maamulka degmada Wadajir ayaa inoo suuro gallin inaan qadka Teleefonka ku haleelno, waxaana dilkaani uu imaanayaa xilli shalay Xaafadda Buul-xuubey isla degmada Wajir lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabad Sugidda ee Dowladda Soomaailya.























Comments are closed.