Gaalkacyo: (Sh.M.Network)—Howlgallo lagu soo qab qabtay Koox burcad badeed Soomaali ah waxa ay maanta Ciidamada Maamulka Puntland ka sameeyay Xaafadaha Woqooyi ee Magaalada Gaalkacyo.
Kaddib howlgal xooggan oo ay Ciidamada amniga ee Maamulka Puntland ka sameeyeen Xaafadaha Woqooyi ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay kusoo qab qabteen 15-ruux oo ka tirsan Kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo sida la sheegay ku dhuumaaleysanayay Xaafado ka mid ah Magaaladaasi.
Burcad badeeda la qab qabtay ayaa la sheegay inay ka yimaadeen deegaanka Garacad ee gobolka Mudug, iyadoo howlgalka kaddib aan qadka Taleefonka kula hadalnay Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Gaashaanle Dhexe Jaamac Max’ed Sandaqad, isagoo sheegay in Kooxihii la qabtay dhamaantooda iminka ay ku jiraan Xabsiga, islamarkaana maalmaha soo socda lasoo taagi doono Maxkamad.
Ugu dambeyn Taliyaha ayaa waxa uu intaasi ku daray in Ciidamada ay sidoo kale soo qabteen illaa 4-gaari oo ay wateen Kooxahaasi sida uu hadalka u dhigay.























Comments are closed.