Kismaayo oo wali duulaan lagu yahay

maalik_som August 29, 2012 Comments Off

Kismaayo: (Sh. M. Network)  Boqolaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskanbooni ayaa ka soo baxay Magaadalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada hoose kuwaasi oo isku fidiyay deegaanno hor leh oo hoostaga Magaalada Kismaayo oo maalmihii dambe ay ka taagnaayeen Xiisado dagaal.

Ciidamada huwanta ah ayaa waxaa ay dhaq dhaqaaqyo ka sameenayaan deegaanno hootaga Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose, waxaana ay ku sugan yihiin tuulooyin aan ka fogeyn Kismaayo sida illo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen  Idaacadda Shabelle.

Qaar ka mid ah Saraakiisha hoggaaminaysa Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay gacan ku dhigidda Magaalo  Xeebeedka Kismaayo oo ay hadda ka arramiyaan Ururka Al Shabaab.

Arrintaani ayaa imaanaysa xilli muddooyinkii dambe Duulaanno qorsheysan oo dhul ballaarsi ah ay ka jireen deegaanno ka tirsan gobolkada Jubbada hoose.

Comments are closed.

Facebook

Twitter