Kismaayo oo lagu jahwareersan yahay in Maamul loo sameeyo

maalik_som October 16, 2012 Comments Off

Kismaayo: (Sh.M.Network) — Waxgarad kasoo jeeda Jubbooyinka ayaa sheegay in xilligaani lagama maarmaan ay tahay in Maamul loo dhan yahay loo sameeyo Magaalada Kismaayo. 

Suldaan Aadan Garab oo ka mid ah Waxgaradka kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka oo u waramay Radio Shaballe ayaa waxa uu sheegay inay donayaan in loo sameeyo Magaalada Kismaayo Maamul ay u dhan yihiin shacabka ku nool halkaasi. 

Suldaan Garab ayaa waxa uu tilmaamay in laga soo gudbay xilligii Kumeel-gaarka ahaa, loona tallaabay Dowlad qaran, wuxuuna intaasi ku daray inay lagama maarmaan ay tahay in Beelaha kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka ay kasoo dhexmuuqdaan Maamulka la doonayo in loo sameey gobolkaasi. 

Kornel Sanyare oo isna ka mid Mas’uuliyiinta kasoo jeeda goboladaasi ayaa waxa uu kasoo horjeestay Maamul dhawaan looga dhawaaqay gobolada Jubbooyinka, wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay Maamul aan shaqeynin, islamarkaana aan ku imaan Nidaam Dowli ah sida uu hadalka u dhigay. 

Tan iyo markii Ciidamada Dowlada, Kenya iyo Ururka Raaskambooni ay la wareegeen Magaalada Kismaayo ee  gobolka Jubbada hoose ayaa waxa isa soo tarayay waxgaradyo iyo Odayaasha kasoo jeeda goboladaasi oo ku baaqayay in Maamul loo dhan yahay loo sameeyo gobolada Jubbooyinka.

Comments are closed.

Facebook

Twitter