Kismaayo: (Sh.M.Network) Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose oo ay Saraakiisha Al Shabaab sheegeen inay isaga baxeen halkaasi ayaa xalay waxa ay ku waabariisatay duqeymo xooggan.
Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xalay Magaalada ay duqeeyeen Maraakiib iyo diyaarado dagaal oo sida la sheegay laga leeyahay dalka Kenya.
Ilaa 10-gantaal ayaa lagu garaacay Magaalada kuwaasi oo lasoo warinayo inay gaysteen qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana saakay dadka qaarkood gudaha Magaalada ay ka wadaan barakac xooggan, maadaama duqeynta ay joogto ka noqotay Shabaabna uusan ku sugneyn Magaalada sida la xaqiijiyay.
“Cid seexatay maleh xalay dadka oo dhan ayaa la yaabanaa waxa dhacayay, duqeymaha waxay ahaayeen kuwa ka imaanayay Badda iyo diyaarado dagaal aan ka seexan weynay, sakay barakac ayaa socda” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka degaanka ah.
Inkastoo Al Shabaab ay isaga baxeen Kismaayo ayaa haddana waxa wali Magaalada ku socota duqeyn diyaaradeed iyo mid ay fulinayaan Maraakiibta dagaalka ah ee ku sugan Kismaayo.
Wixii kusoo kordhaa kala soco Shabelle.net haddii Alle Idmo.























Comments are closed.