Kismaayo oo jihooyin badan dagaal kaga furmay iyo xaaladda oo kacsan

maalik_som September 28, 2012 Comments Off

Kismaayo: (Sh.M.Network)  Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo gacan ka helay kuwa Kenya iyo Xarakada Al Shabaab ayaa wali waxaa uu ka socdaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose. 

Galbeedka iyo Koofur Bari ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka soconaya dagaal qasaaro gaystay oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya, Kenya oo dhinaca ah iyo Xarakada Al Shabaab sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen dadka deegaanka ah. 

Dhinacyada dagaalamaya ayaa isku adeegsanaya Madaafiic iyo rasaas xooggan, waxaana la sheegay in dagaalka uu ku fiday meel duleedka ka ah Magaalada Kismaayo iyo Xeebta Magaaladaasi oo saakay Waaberigii hore lagu daadiyay Ciidamada ka tirsan Dowladda iyo kuwa Kenya oo halkaasi keenay illlaa 4-Markab. 

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana  la sheegay in dagaalka saakay mar uu hakaday haddana uu dib ugu qarxay deegaanka Jannay-Cabdalla ee gobolka Jubbada hoose halkaasi oo la sheegay inay kasoo amba baxeen Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda, waxaana wadada u galay Ciidamo ka tirsan Al Shabaab oo halkaasi difaacyo ka sameystay. 

“ Gantaal xooggan ayaa kusoo dhacay Magaalada, waxaa ku dhaawacmay 3-ruux oo rayid ah, xaaladda way kacsan tahay, diyaarado dagaal oo Helekpotar ah ayaa rasaaas ridaya, waxayna dadka leeyihiin is dajiya, waan idin bad baadinaynaa” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah. 

Inka badan 10-ruux oo ahaa dhinacyadii dagaalamayay ayaa dagaalka ku geeriyooday tiro intaasi ka badanna way ku dhaawacmeen, waxaana dagaalka marba marka kasii dambeysa uu noqonayaa mid kusii fogaanaya gudaha Magaaladaasi.

Ciidamada Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay ku sugan yihiin Nawaaxiga Jaamacadda Koofur Bari ee Magaaladaasi, iyagoo halkaasi ka ridaya hoobiyeyaal.

Wixii kusoo kordhaa kala soco Shabelle.net

Comments are closed.

Facebook

Twitter