Khilaaf soo kala dhexgalay Saraakiisha Dowladda iyo Raaskambooni

maalik_som September 25, 2012 Comments Off

Afmadow: (Sh.M.Network)  Khilaaf cusub ayaa waxa uu soo kala dhexgalay Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskambooni ee dagaalada ka wada gobolka Jubbada hoose. 

Iyadoo deegaannada gobolada Jubbooyinka ay ka socdaan dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda, Kenya, Ururka Raaskambooni oo qeyb ka ah dagaalada iyo Al Shabaab ayaa Saraakiisha Dowladda iyo Ururka Raaskambooni waxa ay isku qilaafeen dagaalada ka soconaya gobolada Jubbooyinka ee lagula jiro Al Shabaab.

Afhayeenka Ciidamada Dowladda ee gobolada Jubbooyinka Gaashaanle sare Aadan Axmed Xersi Rufle oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho  ayaa waxa uu sheegay in aanay jiri karin awood u dhaxeysa Ciidamada Dowladda, Kenya iyo AL Shabaab oo ku hardamaya Jubbooyinka, balse cid waliba oo halkaasi ka dagaalamaysa lagama maarmaan ay tahay inay ka amar qaataan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Soomaaliya iyo Ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya. 

Afhayeenka Ururka Raaskambooni C/naasir Seeraar oo ka jawaabayay hadalka kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Jubbooyinka ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Raaskambooni ay yihiin kuwa sharci ah islamarkaana kasoo jeeda deegaanka, ujeedkooduna uu yahay ciribtirka Al Shabaab iyo soo cellinta nabadda Jubbooyinka, hadalladaasi soo baxayana ay yihiin kuwa laga leeyahay u jeeddo gaar ah.

Deegaannada Jubbooyinka ayaa waxa xusid mudan inay si wada jir ah ugu dagaalamaan Ciidanka Dowladda, Kenya, iyo Ciidamo hoostaga Ururka lagu magacaabo Raaskambooni oo uu hoggaamiyo Axmed Max’ed Islaam Axmed Madoobe, waxaana khilaafkaani cusub ee soo kala dhaxgalay  Saraakiisha labada dhinaca uu keeni karaa dib u dhac ku yimaada howlgallada ka soconaya Jubbooyinka.

Comments are closed.

Facebook

Twitter