Kenya oo sheegatay Mas’uuliyadda duqeymo ka dhacay Kismaayo

maalik_som September 26, 2012 Comments Off

Nairobi: (Sh.M.Network) Dowladda Kenya ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose. 

Afhayeenka Ciidamada Militariga ee Dowladda Kenya Cyrus Oguna oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Diyaaradaha Kenya ay Duqeymo xooggan ka fuliyeen Dekadda Magaalada Kismaayo oo uu sheegay inay ku burburiyeen Saanado Militari oo halkaasi yaallay sida uu hadalka u dhigay. 

“Diyaaraha dagaalka waxa ay duqeymo xooggan la dhaceen Dikadda Kismaayo, halkaasi waxay ku gubeen Saanad Militari oo ay lahaayeen Ciidamada Al Shabaab, u jeedka waxa uu yahay la garaaco meelaha ay ku sugan yihiin Al Shabaab” sidaasi waxa yiri Cyrus Oguna. 

Sidoo kale Afhayeenka Ciidamada Kenya ayaa waxa uu intaasi ku daray in iminka ay wadaan baaritaanno ku aaddan dadka rayidka ah ee wax ku noqday duqeymahaasi, isagoo xusay in lagama maarmaan ay tahay in gacanta lagu dhigo Magaalada Kismaayo oo uu sheegay in dhaqaalo badan ay ka helaan Xarakada Al Shabaab.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab oo ku aaddan hadalka kasoo yeeray Saraakiisha Ciidamada Kenya, inkastoo marar badan ay diyaaradaha Kenya duqeymo la dhaceen Magaalada Kismaayo iyo deegaannada kale ee Jubbooyinka.

Comments are closed.

Facebook

Twitter