Kenya oo sheegtay inay sii laba jibaarayso howlgallada Al Shabaab

maalik_som September 19, 2012 Comments Off

Nairobi: (Sh.M.Network)  Dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegtay inay sii joogteyn doonto taageerada ay siiso Dowladda Soomaaliya, iyadoo dhinaca kale tilmaamtay inay dadaal dheeri ah ay sii gallin doonto howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda gobolada dalka Soomaaliya. 

Afhayeenka ciidamada Dowladda Kenya Ceyrus Aguna ayaa waxa uu sheegay in maalmihii dambe howlgalladoodu ay kusii jeedeen Magaalo Xeebeedka Kismaayo, isagoo tilmaamay in intii ay wadeen howlgalladaasi ay ku dileen Ciidamo badan oo ka tirsanaa Al Shabaab. 

Agun ayaa waxa uu tilmaamay in Magaalada Kismaayo ay tahay Magaalo Istaraatiiji ah oo leh Dekad, dhaqaalaha kasoo xaroodana ay wax badan u tari jireen Xarakada Al Shabaab, hase ahaatee hadda ay marayaan heer gabo gabo ah sida uu hadalka u dhigay. 

Ciidamada Dowladda Kenya oo kusoo biiray howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab bishii October ee sanadii 2011-ka ayaa qorshaha howlgalkoodu ugu weyn waxa uu ahaa kasaaridda AL Shabaab ee Magaalada Kismaayo iyo ka hortagga falal ammaan darri oo kusoo batay dalkeeda.

Comments are closed.

Facebook

Twitter