Kenya oo sheegtay in marna aysan ka baxeynin Somaliya

maalik_som October 7, 2012 Comments Off

Nairobi: (Sh.M.Network) — Ra’iisul wasaare ku xiggeenka dallka Kenya Musalia Mudavadi, ahna Musharax Madaxweyne oo la hadlayay barnaamijka Hardtalk ee ka baxa TV-ga BBC-da ayaa sheegay in shacabka dalkiisa ay ka warhayaan oo raali ay ka yihiin duulaanka ay ciidamada Kenyan-ka ah ku qaadeen sanadkii tagay gudaha  waddanka Soomaaliya, isagoo intaasi raaciyay in Kenya muddo dheer ay deris la aheyd dalka aan deganaansho ka jirin, taasi oo uu xusan inay saamayn weyn oo dhinaca amaanka ku yeelatay dalkiisa.

Musalia Mudavadi ayaa shaaca ka qaaday in howolgalkooda militeri ee Soomaaliya uu yahay mid aan dhamaad lahayn oo weligiisa socon doono inta ay Al shabab isku dayayaan inay weeraro iyo falal amni darro  ka geystaan gudaha dalkiisa.

Mar wax laga weydiiday qatarta Kenya kaga imaanaysa Al Shabaab  joogitaankooda Soomaaliya ayaa waxa uu ku jawaabay inay jirto Qatar weyn oo dhinaca ammaanka ah, balse Kenya aysan doonayn inay gobolka uu noqdo meel ay ku awood badan yihiin Al Qaeda.

Sidoo kale Musalia Mudavadi Ra’iisul wasaare ku xiggeenka dalka Kenya ayaa la way diiyay khasaaraha howlgalkooda militeri uu kasoo gaarayo dadka rayidka ah, maadaama ay ciidamada Kenya adeegsnayaan awood xad dhaaf ah oo ka baxsan midda la siiyay kuwa AMISOM sida weerarada cirka iyo badda, ayaa waxa uu sheegay inay jiraan dhibaatooyin iyo khasaaro gaaraya shacabka Soomaalyeed ee ku nool gobolada ay ciidamada Kenya howlgalka ay ka wadaan.

Musalia Mudavadi ayaa sheegay in tan iyo markii ay ciidamada Kenya galeen Soomaaliya ay horumaro la taaban karo  ka gaareen howlgalkooda, islamarkaana ay suuro galiyeen inay dhacaan doorashooyin oo la doorto Madaxweyne cusub, taasi oo horay u adkayd in la sameeyo.

Ugu dambeyn waxa uu tilmaamay in xaaladda Soomaaliya ay kasii darayso meesha hadda ay marayso haddii ay ciidamada Kenyan dib ugu soo laabtaan howlgalka, maadaama beesha Caalamka ay indhaha ka laabteen wax ka qabashada xaaladda Soomaaliya tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Max’ed Siyaad Barre.

Comments are closed.

Facebook

Twitter