Nairobi: (Sh. M. Network) Ciidamada sida gaarka ah utababaran ee la dagaalanka aargagixisada dalka Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan nin ay tuhunsan yihiin inuu ka tirsan yahay Xarakada Al Shabaab.
Ninkaani oo ay sheegeen inay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda Kenya ayaa la sheegay inuu kasoo jeedo dalka Ingiriiska islamarkaana lagu magacabo Jermaine Grant kaasi oo ciidamada ammanka ee dalkan kenya ay sheegeen inay kuraad joogeen muddooyinkii ugu dambeyay.
Jermaine Grant ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen ciidamada Kenya bishii December ee lasoo dhafay xilli uu ku sugnaa Magaalada Mombasa ee dalka Kenya, haddana uu ku jiro gacanta ciidamada ammanka.
Ninkaani ayaa la sheegayaa in wax laga waydiin doono kaallintii uu ku lahaa qaraxyada iyo weerarada ka dhacay gudaha dalkaasi.
Saraakiisha Ciidamada Kenya ayaa sheegay in Germaine Grant la horkeenay Maxkamad ku taalla magalada Nairobi, sidoo kalana ay jiraan dad kale oo lala qabtay ninkani Ingiriiska ah kaasi oo ku jira Xabsi ku yaalla dalka Kenya, iyadoo lala xiriirinayo labadaasi ruux inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.























Comments are closed.