Kenya oo ka warbixisay dad lagu dilay Mandheera

maalik_som August 23, 2012 Comments Off

Mandheera: (Sh. M. Network) Saraakiisha Ciidamada ammaanka ee Dowladda Kenya ayaa ka warbixiyay dad si kala gooni gooni ah loogu dilay Magaalooyinka ku yaalla gudaha dalka Kenya. 

Madaxa Booliska ee Woqooyiga bari dalka Kenya Philip Tuimur oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada ammaanka ay wadaan howlgallo lagu soo gacan gallinayo kooxihii ka dambeeyay dil ka dhacay Magaalada Mandheera ee dalka Kenya. 

Philip ayaa sheegay in dadka la dilay ay gaarayaan illaa 5-ruux, iyadoo 3-kalena ay dhaawac yihiin, hase ahaatee wuxuu sheegay in dadka la dilay uu ka mid ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada booliska ee dalka Kenya. 

Madaxa Ciidamada booliska ee Woqooyi bari ee dalka Kenya ayaa xusay inay helayaan Macluumaad kala duwan oo qaar ka mid ah ay sheegayaan in dadkii ka dambeeyay dilkaani ay ku sugan yihiin Mandheera, kuwa kalena ay sheegayaan inay u gudbeen gudaha dalka Ethiopia, iyagoo ka cabsi qaba in Ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigaan. 

“Waxaa laga yaabaa in dilalkaani ay daba socdaan aanooyin qabiil oo u dhaxeeya qabaa illo kala degan Xadka labada dhinaca ee Kenya iyo Ethiopia” ayuu yiri Philip. 

Woqooyi bari ee dalka Kenya ayaa mararka qaar waxa ka dhaca dilal qorsheysan iyo dhibaatooyin lagula kaco mararka qaar dadka rayidka ah, haba ugu badnaatee qaraxyada iyo weerarada lagu qaado Ciidamada Kenya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter