Nairobi: (Sh.M.Network) — Saraakiisha Ciidamada Militariga Dowladda Kenya ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan in loo arko howlgalkooda gobolada Jubbooyinka ee Koofurta Soomaaliya gumeyso cusub.
Afhayeenka Ciidamada Dowladda Kenya Kornel Cyrus Oguna ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Militariga Kenya ee ku sugan gobolada Jubbooyinka, qeybna ka ah howlgalka AMISOM ay caawinayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay la dagaalamayaan aargigixisada.
“Waxaan jabinay awooddii Al Shabaab ee inta badan Koofurta, ma ahan in naloo arko gumeysi cusub, u jeedkeenu waa inaan la dagaalannaa Al Shabaab” sidaasi waxa yiri Cyrus Oguna.
Ugu dambeyn Afhayeenka Ciidamada Militariga Dowladda Kenya ayaa sheegay in Soomaaliya ay usoo galeen inay caawiyaan dowladda Soomaaliya iyo inay ka hortagaan kooxo marar badan dhibaatooyin ammaan darri ka geystay gudaha dalkeeda.























Comments are closed.