Fax-faxdhuun: (Sh. M. Network) Markii ay dagaalo culus oo u dhexeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo dhinaca iyo Xarakada Al Shabaab ay ka dhaceen deegaanno ka tirsan gobolka Gedo ayaa dagaaladaasi waxaa guulo ka kala sheegtay dhinacyadii uu u dhaxeeyay.
Afhayeen Ciidanka Kenya Emmanuel Chirchir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xalay Saldhig Ciidamada Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Fax-faxdhuun ee Gobolka Gedo ay soo weerareen Ciidamo ka tirsan Al Shabaab oo gaarayay boqolaal.
Emmanuel Chirchir ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in 80-tan ka mid ah Ciidamada Al Shabaab ay ku dileen dagaalka sida uu hadalka u dhigay islamarkaana deegaankii lagu dagaalamay ay gacanta ku hayaan Ciidamada Kenya iyo kuwa DKMG ah.
Chir chir ayaa xusay in Shabaabka ay ka burburiyeen Gawaari dagaal, waxaana uu shaaca ka qaaday in Al Shabaab ay kala wareegeen deegaan duleedka ka ah deegaanka Fax-faxdhuun ee Gedo.
Dhinaca kale War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaal Ciidamadoodu ay kuwa Kenya iyo Dowladda KMG ah ay kula galeen duleedka Fax-faxdhuun ay ku dileen Ciidamo badan oo Kenyan ah iyo kuwa kale oo ka tirsan DKMG ah.
Majiro illo ka Madax banaan oo cadeynaya guulaha ay kala sheeganayaan dhinacyadaasi, hase ahaatee inta badan dagaalada ka dhaca gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee u dhaxeeya Dowladda KMG ah iyo Al Shabaab ayaa waxa uu dhaliyaa qasaaro soo gaara dad rayid ah.























Comments are closed.