Seoul (Sh.M.Network)— Dowlada K/Kuurya ayaa soo saartay sharci cusub oo lagu ilaalinayo maraakiibta ganacsiga iyo badmaaxiyaasha la socda ee laga leeyahay dalkaasi kadib markii dhowr jeer oo hore la afduubtay maraakiib iyo shaqaalihii la socday oo u dhashay dalkaasi.
Kulan ay shalay golaha barlamaanka K/kuuriya ay ku yeesheen magaalada Seoul ayaa waxa ay uga doodeen sidii ciidamada si gaar ah u tababaran loo siin lahaa maraakiibta laga leeyahay K/Kuuriya marka ay marayaan biyaha qatarta badan ee gacanka cadmeed iyo kuwa badweynta India, waxaan ay isku raaceen xildhibaanada inay ansixiyaan sharciga ah in ilaalo gaar ah la siiyo marakiibta ganacsiga si looga hortago inay burcadbadeed afduubtaan.
Wakalada warar ee Yonhap ayaa sheegtay in sharcigan uu yimid kadib markii dhowaan ay kooxaha burcad badeeda soomaalida ah lacag madax furasho ah oo aan la sheegin cadadkeeda kusii daayeen ilaa 4 badmaaxi oo mudo 19 bilood ah lagu haystey xeebaha dalka Soomaaliya.
Ilo wareedyada ayaa tilmaamaya in go’aankan u yahay mid waqti leh oo socon doona mudo gaaban ilaa uu ka dhacayo isbedel dhinaca amaanka ah oo ay maraakiibta ku mari karaan si nabad ah xeebaha Soomaaliya iyo kuwa gacanka cadmeed.
Si kastaba go’aanka dowlada K/Kuuriya ayaa waxa uu imaanaya xili todobaadkii tagay ay Ciidamada howlgalka Atlanta ee midowga yurub ay sheegeen in horumaro laga gaaray sanadkii tagay dagaal ka dhanka ah burcad badeeda Soomaalida ah marka loo eego sanadihii hore.























Comments are closed.