Jufada Yabadhaale Ceyr oo Caleemo saaratay Ugaas Cusub

maalik_som September 24, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)  Kullanka oo ahaa mid aad ballaaran, laguna caleemo saarayay Ugaas cusub oo ay yeellato Jufada Yabadhaale oo ka mid ah Jufooyinka Beesha Ceyr ayaa maanta waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho. 

Kullanka ayaa waxa kasoo qeyb galay Xildhibaano ka tirsan barlamanka Soomaaliya, Siyaasiyiin, Odayaal dhaqan, Ugaasyo, Waxgarad, Culumaa’uddiin, Guddiga Beesha Habar gidir, Golaha dhaqanka Beesha Ceyr, Odayasaha dhaqanka Midnimada beelaha Hawiye, Ururada Dhalinyarada Quumiyadda Beelaha Banaadiriga, Ururada Bulshada rayidka ah iyo Haween ka socday qeybaha kala duwan ee Ururada Haweenka, waxaana kullanka lagu Caleemo saaray Ugaas Axmed Ugaas Cabdulle Cali.

Imaam Cabdullaahi Khaliif Rooble oo ah Imaanka Beelaha Habar-gidir oo kullanka ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in uu soo dhaweynayo Ugaaska maanta la caleemo saaray, isagoo sheegay in sababta loo Caleemo saaray Ugaaskaani ay tahay musuq maasuq iyo wax isdaba marin lagu sameeyey soo xulitaanka barlamanka Soomaaliya. 

Nabadoon Max’ed Xaashi Xasan oo ka mid ah Nabadoonnada Beesha Ceyr oo isna kullanka ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in uu soo dhaweynayo Ugaaska maanta la Caleemo saaray, kana dalbaday in uu saxo khaladaadka jira. 

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ah dadkii lagu casuumay kullanka ayaa waxa uu sheegay in wax lagu farxo ay tahay magacaabista Ugaaska maanta la magacaabay. 

Qaar ka mid ah Waxgaradkii Beesha Ceyr ee kullankaasi ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen inay suurto gal tahay in Jufooyinka kale ee beesha ay ku daydaan Beesha Yabdhaale Ceyr islamarkaana ay Caleemo saartaan Ugaasyo. 

Ugaas Axmed Ugaas Cabdulle Cali oo ah Ugaaska maanta la Caleemo saaray oo gaba gabadii kullanka ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in uu qaban doono gogol uu isugu keenayo Ugaasyada dhan islamarkaana uu sixi doono khaladaadka ka dhex jira Beesha Ceyr. 

Kullanka maanta lagu Caleemo saarayay Ugaas Axmed Ugaas Cabdulle Cali oo ah Ugaaska Jufada Yabadhaale Ceyr ayaa waxa kasoo qeyb galay. 

  1. Abuukar Cismaan Sheekh (Abuukar Ganey) oo ah Guddoomiyaha Beesha Habar-gidi.
  2. Xaliimo Daahir Mataan oo ah guddoomiyaha Haweena Beesha Ceyr
  3. Nabadoon Xaashi Max’ed Kullane oo ah Guddoomiyaha dhaqanka Beesha Ceyr
  4. Imaam Cabdullaahi Khaliif Rooble oo ah Imaamka Beelaha Habar-gidir
  5. Xildhibaanad Khadiijo Max’ed Diiriye oo ka mid ah Xildhibaanada barlamanka
  6. Xildhibaana Xasan Abshir Faarax
  7. Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Cadde Gaaboow
  8. Cumar Shariif Jeeg, Guddoomiyaha dhalinyarada Quumiyadda Banaadiriga
  9. Nabadoon Cabdulle Cumar Xeyle
  10. Nabadoon Cabdi Iimaan Sharmaarke
  11. Nabadoon Cabdullaahi Cabdi Maallin
  12. Nabadoon Yaasiin Cismaan Qoor-cadde 

Iyo Nabadoonno, Siyaasiyiin iyo Waxgarad dhamaantooda ku faraxsanaa Caleemo saarka Ugaaska Cusub ee Jufada Yabadhaale Ceyr.

Comments are closed.

Facebook

Twitter