Muqdisho: (Sh.M.Network) Jufada Max’ed Rooble oo ka mid ah Jufooyinka Salaybaan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay Xildhibaan uu sheegay in uu sharci darro yahay kaasi oo loo dhaariyay barlamanka Soomaaliya.
Kaddib kullan maanta ay ku yeesheen Aqoonyahanno, Waxgarad, Siyaasiyiin iyo Ururada Bulshada rayidka ah oo kasoo jeeda Beesha Max’ed Rooble oo ka mid ah Beelaha Reer Xaaji Salaybaan ayaa waxa ay kaga soo horjeesteen Xildhibaan si sharci darro ah loogu dhaariyay xilka Xildhibaannimo ee barlamanka Soomaaliya kaasi oo ay lahaayeen Beesha Max’ed Rooble oo ka mid ah Beelaha Xaaji Salaybaan.
Ugaas Nuur Xasan Warsame oo ka mid ah Waxgaradkii ka qeyb galay kullankaasi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Xilka loo dhaariyay Xildhibaan Cabdi Max’ed Abti-doon oo looyaqaano (Koofi-shabaq) ay lahaayeen iyaga kaddib markii sida uu sheegay uu ka geeriyooday nin ka tirsanaa Xildhibaanada barlamanka Soomaaliya oo aan la dhaarin.
“Annagu waxaa nahay Beesha Max’ed Rooble, waxaan qisim u helnay Xildhibaan, waxaana soo gubdiyay Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax, wuxuu soo maray Doorashadii, Maxkamaddii ayuu kasoo gudbay iyadoo la dhaarin lahaa ayaa dhartii dib looga celiyay, dib markii loo celiyayna. Din u celintaasi waxay keentay in uu ku dhinto ninka annaga Xildhibaanka noo ahaa” sidaasi waxa yiri Ugaas Nuur Xasan Warsame.
Diiriye Max’ed Guure oo ka mid ah Waxgaradkii kullankaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay oo isna lahadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay inay cabasho ka yihin Xildhibaanka la dhaariyay oo sida uu hadalka u dhigay aan matalin Jufada, hase ahaatee kasoo jeeda Beesha Reer Xaaji Salaybaan, wuxuna ka codsaday Madaxda sare ee Dalka in si qaldan aan wax loo Maamulin, lana ilaaliyo cadaaladda. Dibba loo soo celiyo Xildhibaankii ay lahaayeen.
“ Waxaan ka cabanaynaa ninka la yiraahdo Cabdi Max’ed Abti-doon horeyna ugu tirsanaan jiray Dowladdii waqtigeedu dhamaaday, ninkaasi waxaan u sheegaynaa Madaxweynaha, guddoomiyaha barlamanka, ku xiggeennada iyo dhamaan in si sharci darro ah uu booska Xildhibaanimo uga fadhiyo ninkaasi, mana ogolaan doono” sidaasi waxa yiri Diiriye Max’ed Guure oo ka mid ah Waxgaradkii kullankaasi ka hadlay.
Ugu dambeyn Nabadoon Axmed oo ka mid ah Nabadoonnada kullanka ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Dowladdaani aysan wax ku bilaabin musuq maasuq, islamarkaana loo baahan yahay in beel kasta la siiyo xaqeeda.























Comments are closed.