Jowhar oo xaladeedu degentahay

maalik_som December 10, 2012 Comments Off

Jowhar(Sh.M.Network)— Sida ay ku waramayaan wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xaaladda Degmada Jowhar ay saakay degentahay waxaana dib usoo laabtay dhaqdhaqaaqii Ganacsiga isu socodkii gaadiidka dadweynaha ee Gudaha degmada Jowhar oo muddo saacadaa gaabis uu kuyimid kadib marki shalay ay la wareegeen Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM

Xaaladda ayaa ah mid degean waxaana gudaha Magaalada Kusugan Ciidanka dowladda Soomaaliya halka Ciidanka AMISOM fariisimo ay ka sameesteen duleedka degmada Jowhar

Mid kamid ah dadka deegaanka oo lahadalay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in xaaladda saakay ay tahay mid caadi ah waxaana dib usoo laabtay isu socodkii dadka iyo gaadiidka Magaaladaasi Jowhar

Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe waxaa muddo afar sano ah gacanta ku hayay Ururka Al Shabaab balse waxaa shalay kala wareegay ciidanka dowladda Soomaaliya oo taageero kahelaya ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM

Comments are closed.

Facebook

Twitter