Muqdisho(Sh.M.Network)—Yuusuf Ibraahim Kabaale Guddoomiye Ku xigeenka Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir oo lahadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Jidgooyooyinkii laga qaaday degmadaasi qaar kamida dib loo soo dhigay.
Guddoomiye Kuxigeenka ayaa intaa sii raaciyay in hadda ay socdaan kulamo Maamulku uu uga arinsanayo sidi loo qaadi lahaa Isbaarooyinkaasi Sharci darrada ah
Kabaale ayaa inata sii raaciyay in Ciidamada ammaanka ay kala tashanayaan sidii cagta loo marin lahaa Jidgooyooyiinkaasi Nawaaxiga saldhig Galbeed ,xaafadda Dabaqeynka iyo wadada isku xirta Ex Control Afgaaoye iyo Xoosh ayaa lagu arkayaa Isbaarooyin dib loo soo dhigay .
Maamulka Degmada dharkeynley ayaa ka mid Maamulada Gobolka Banaadir ee iyagu durbadiiba ka jawaabay ee awaamiirtii Madaxweynaha kuwaasi oo ku’aadanaa qaadista Isbaarooyinkii yiilay qaybo badan oo gudaha degmadaasi ah waxaana la ogeen tallaabada Maamulkaasi iyo ciidamada ammaanka ay ka qaadi doonaan kooxaha soo dhigtay markale jid gooyooyinkaasi
























Comments are closed.