Muqdisho(Sh.M.Network)—Guddoonka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof:Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulan Baarlamaanku shalay ku yeeshay Muqdisho kahadaly ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay tacadiyada ka dhanka ah wariyayaasha ka howlgala Muqdisho ee Muddooyinkii ugu dambeeyay lagula kacayay
Jawaari ayaa waxa uu tilmaamay in saxafiyiinta dhibaatooyin badan ay haysato iyaga qudhoodana mararka qaar uu qaladaad ka dhaco taas oo ukeento in ay wax yeelo soo gaarto.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof:Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxa uu ugu baaqay Guddiga qaabilsan Saxaafadda ee Baarlamaanka Soomaaliya in ay sharciyo ka soo saaraan taas oo ku aadan in aan lagu xad gudbi karin Saxafiyiinta iyaguna Cidna aysan ku xad gudbi karin.
Muddooyinkaan dambe ayaa waxaa sii kordhayay dhibaatooyin fara badan oo isugu jirta Jirdil handadaad iyo dil oo ay la kulamayeen Saxafiyiinta Soomaaliyeed iyadoo ay xusid mudantahay in sanadkaan oo kaliya gudaha Soomaaliya lagu dilay ku dhawaad 18 Saxafi
























Comments are closed.