Muqdisho: (Sh. M. Network) Xildhibaanada cusub ee barlamanka Soomaaliya oo shalay u dareeray Doorasho lagu dooranayay Guddoonka Sare ee barlamanka Soomaaliya ayaa waxa ay doorteen illaa Seddax Mas’uul oo kale ah oo Prof. Max’ed Cismaan Jawaari oo loo doortay Guddoomiyaha barlamanka cusub ee Federalka Soomaaliya, Jeylaani Iikar oo isna noqday Guddoomiye ku xiggeenka Koowaaad ee barlamanka halka Mahad Cabdulle Cawad Xildhibaanadu ay u doorteen in uu noqdo guddoomiye ku xiggeenka labaad ee barlamanka Soomaaliya.
Markii ay soo gaba gabowday Doorashada Seddaxdaasi Mas’uul ayaa waxa lagu dhaariyay Xarunta Jeneral Kaahiye oo ay doorashadu ka dhacday.
Guddoomiyaha cusub ee barlamanka Soomaaliya Prof. Max’ed Cismaan Jawaari oo hadal kooban ka jeediyay goobta lagu dhaariyay ayaa waxa uu sheegay in qudbad ogolaashiyaha barlamanka uu dib u dhigayo, isagoo tilmaamay in maalinta Khamiista Xildhibaanada barlamanka ay isugu imaan doonaan fadhiga Koowaad kala fadhiggiisa shanaad ee barlamanka Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in maanta oo Arbaco ah ay diyaarin doonaan Ajandaha looga hadlayo fadhigaasi.
Xildhibaanada cusub ee barlamanka Soomaaliya ayaa waxa ay si rasmi ah u dhiseen hoggaanka sare ee barlamanka Soomaaliya, waxaana midda lawada sugayo, indhaha lagu wada hayo ay tahay Doorashada Madaxtinimada dalka Soomaaliya.























Comments are closed.