Berlin: (Sh. M. Network) Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jarmalka Westerwelle ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Jarmalka ay garab taagan tahay Dimuqraadiyadda ka hana qaadday dalka Soomaaliya.
Westerwelle ayaa waxa uu tibaaxay in Jarmalka uu si buuxda u garab taagan yahay Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud oo si caqlabiyad leh ay u ansixiyeen Xubnaha Golaha shacabka ee Soomaaliya.
Dowladda Jarmalka ayaa waxa ay xustay in Xasan Sheekh Max’ud uu yahay mid ka mid ah Shaqsiyaadka faro ku tiriska ah ee aan ka qeyb gallin dagaaladii sokeeye islamarkaana uu yahay nin intii dhibaatada ka jirtay Soomaaliya aan dalka banaanka ugu bixin, lana socda qaabka ay wax u dhacayaan, Beesha Caalamkana ay taageerayaan.
Ugu dambeyn Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka ayaa xusay in Dowladdiisa ay taageero hoo iyo hiilba ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, dowladdana ay tahay tii dhibaatada ka saari laheyd shacabka Sooamaliyeed.























Comments are closed.