Jabuuti oo Bogaadin udirtay Shacabka iyo dowladda Soomaaliya

maalik_som January 1, 2013 Comments Off

Muqdisho(Sh.M.Network)—Dayib dubad Rooble  Safiirka Soomaaliya ufadhiya dowladda Jabuuti ayaa waxa uu ugu Hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed Sanadka 2013 isagoo urajeeyay Nabad iyo Barwaaqo.

Safiirka ayaa xusay in uu aad ugu faraxsanyahay in Sanadkaan uu curto iyadoo Isbedel laga dareemayo Guud ahaan Soomaaliya isagoo tibaaxay in Soomaalidana looga baahanyahay in ay Ka shaqeeyaan Qaran nimada iyo wada Jirka.

“Soomaaliya waxaa ka dhacay Isbedel siyaasadeed mid Horumar iyo Jawi fiican oo dadku ay abuureen” Sidaasi waxaa Yiri Safiirka dowladda Jabuuti ujooga Soomaaliya.

Dowladda Jabuuti ayaa ah dowlad Saaxiib dhow la’ah Soomaaliya islamarkaana qayb ka ah Ciidamada Ururka Midowga Afrika ee AMISOM ee iyago Howl galna Nabad ilaalinta ujooga Soomaaliya

Comments are closed.

Facebook

Twitter