Muqdisho: (Sh.M.Network) Kadib markaan aragnay in dhamaan halgamadii hubeysnaa iyo kuwii aan u hubeysnaynba ay noqdeen qaar fashilmay iyo kuwo aan wax ka badalin xaalada halgan ee bulshada wadanka ku nool.
Kadib markii dowladaha dariska ay u gacan galiyeen dadkii shacabka ahaa ee soo magan galay gumeysigii ay ka soo carareen , isla markaana dad fara badan lagu diley taaso ay u danbeysay dilalkii isdaba jooga ahaa ee ka dhacay dalka Kenya.
Kadib markaan aragnay xasuuqa joogtada ah ee loo geesanayo shacbiga ku nool gudaha dalka taaso ay u danbeysay xasuuqii guna gado, gaashaamo iyo xarshin.
Arimahaas iyo kuwa kale fara badan markaan aragnay waxaanu go’aansanay arimaha soo socda oo aan u aragnay inay yihiin lagama maarmaan in aanu aas-aasno urur dagaal ama xuquuq iyo xoriyad raadinta shacbiga ku dhaqan dhulka ogaadenya .
Kaasoo si dhab ah u wajihi doona arimaha si ka duwan siyaabihii hore
1) In halganku noqdo mid laga maamulo gudaha dalka , dhamaan xubnaha golaha dhexe , gudiga fulinta iyo hogaaminta ciidanka ayaa noqon doona kuwa jooga gudaha dalka .
2) In xuquuqdayada aayo ka talinteeda buuxdo ku raadino hab nabadgalyo iyo halgan gobonimodoon ah.
3) Inaan raadino , baadigoobna u galno cid kasto oo saluugtay ururadii dagaalamay hada ka hor, ama kuwa kale ee hada halgankey wadeen gabaabsiga yahay , kuna soo dhaweeno gacmo furan dhamaan bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka ogaadenya.
4) Inaan iskaashi ciidan iyo mid siyaasadeedba la yeelano dhamaan ururada kale ee la dagaalamaya cadawga.
Waxaa naga go’an inaan cadawka gumeystaha ah kula dagaalanno meel walbo uu nagula dagaalamo dal iyo dibadba.
Ugu danbeyntii, waxaan ku dhawaaqnay ururkan golihiisii wadatashiga, dhameystirka maamul hogaamineedka ururkan waxaa la shaacin doonaa dhawaan.
Hawlgalka ururka laga bilaabo wareegtadan wuu bilaabanayaa , ILAAHAYNA waxaan ka rajaynaynaa inuu na guuleeyo























Comments are closed.