Jaamacadda Carabta oo ka qayb qaadaneysa dib udhiska dalka

maalik_som December 12, 2012 Comments Off

Muqdisho(Sh.M.Network)—Wafdigaani Ka socda Jaamacadda Carabta islamar ahaantaana uu hoggaaminayay Wakiilka Jaamacadda Carabta uqaabilsan Soomaaliya Dr Max’ed Idiris oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Howlaha guud iyo dib udhiska dalka Muxuyidiin Max’ed Kaalmooy

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Gaadiidka ee Magaalada Muqdisho ayaa ahaa Mid xasaasi ah islamar ahaantaana Saxaafaddu ay dibad Joog ka ahayd

Kulanka markii uu soo gaba gaboobay kadib ayaa Saxaafadda waxaa si wada jira ula hadlay Wakiilka Jaamacadda Carabta uqaabilsan Soomaaliya iyo Wasiirka Howlaha Guud iyo dib udhiska dalka

 Ugu Horeen ayaa Saxaafadda waxaa la hadlay wakiilka Jaamacadda Carabta uqaabilsan Soomaaliya Dr Max’ed Idiris kaasi oo sheegay in uu ku faraxsanyahay in Soomaaliya ay ka baxdo xilligii KMG ahaa isagoona Xusay in Jaamacadda Carabta Soomaaliya ay ka taageereyso Dhaqaalaha dib udhiska dalka iyo Xiriir wada shaqayn oo dhexmarta Jaamacadda Carabta iyo dowladda Soomaaliya

 Sidoo kale waxaa Goobta ka hadlay Wasiirka Howlaha Guud iyo dib dhiska dalka Muxuyidin Max’ed Kaalmooy isagoona Sheegay in wafdigaan ka socda Jaamacadda carabta ay Soomaaliya uyimaadeen sidii ay u indha indheyn lahaayeen isbedelka waddanka ka dhacay isagoona xusay in Jaamacadda Carabta Soomaaliya ay ka taageereyso dhanka dib udhiska dalka oo bur bur  uu soo gaaray 20 kii sano ee la soo dhaafay

Comments are closed.

Facebook

Twitter