Ithopiya iyo AMISOM oo dowladda ku gacansiinaya Howl gallada Bay iyo Bakool

maalik_som January 3, 2013 Comments Off

Baydhabo(Sh.M.Network)—Saraakiisha Ciidamada Ithopiya iyo kuwa AMISOM oo ka hadlay Munaasabad ka dhacday Magaalada baydhabo ee Xarunta Gobolka bay ayaa waxa ay sheegeen in dowladda ay ka gacansiinayaan ladagaalanka Al Shabaab iyo sidi looga saari lahaa Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobollada Bay iyo Bakool.

Saraakiishani waxa ay sheegeen in Ciidamada dowladda ay si gaara  uga Gacansiinayaan Howlgallada ka dhanka ah AL Shabaab Maadaama ay xuseen In shabaab ay carqalad ku yihiin amniga Gobolkaasi.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdi Xakiin Xaaji Max’uud Fiqi ayaa umahad Celiyay Taageerada ay siinayaan Ciidamada dowladda ee Howl gallada ka dhanka ah Al Shabaab ka wada Gobollada Bay iyo Bakoo.

Qaar ka mida Deegaano iyo Degmooyin  ka tirsan Gobolka Bay ayaa waxaa gacanta ku haya Xarakada Al Shabaab inkastoo ay socdaan dadaalo ku aadan sidii Degaanada Gobolladaasi loogasaari lahaa Ururka Al Shabaab.

Comments are closed.

Facebook

Twitter