Ithopia oo sanadka Cusub ugu hambalyeysay Shacabka Soomaaliyeed

maalik_som January 1, 2013 Comments Off

Muqdisho(Sh.M.Network)—War ka soo baxay Safaaradda Ithopia ay kuleedahay Soomaaliya ayaa waxaa loogu hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed sanadda cusub ee 2013 waxaana Safaaradda Ithopia ay si’aada u’amaantay Madaxda dowladda Soomaaliya oo sanadkii tagay isbedel Muuqda ka hirgaliyay Soomaaliya

Safiirka Dowladda Ithopia ufadhiya dalka Soomaaliya Cabdi casiis Axmed Aadan ayaa yiri” Waxaan aad ugu faraxsanahay anigoo ku hadlaya Magaca Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Ithopia in aan uhambalyeyno Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxdooda Isbedelka Cusub oo ay la yimaadeen Sanadkii tagay”

Safaaradda ithopia ayaa sheegtay in dowladda Ithopia ay markasta lagarab taagneed walaalahooda Soomaaliyeed Taageero dhinac walbo ah si dalka Soomaaliya uu markale cagihiisa isugu taago.

Gaba gabadii warkaan ka soo baxay Safaaradda Ithopia ay ku leedahay Soomaaliya ayaa waxaa dowladda Soomaaliyeed iyo Shacabkeeda loogu baaqay In ay sii xoojiyaan Nabadeynta iyo dadaalada lagu xoojinayo sidii markale Soomaaliya cagaheeda isugu taagi lahayd

Comments are closed.

Facebook

Twitter