Muqdisho: (Sh. M. Network) – Israsaaseyntaani ayaa ka dambeysay kaddib markii Kooxo ku labisan dhar Shibil ah ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan booliska Dowladda KMG ah oo ku sugnaa Isgoyska KM-4 ee Magaalada Muqdisho.
Inta la ogyahay labo ruux ayaa ku dhimatay oo mid ka mid ah uu yahay Ciidamada booliska ee Dowladda KMG ah, halka 3-kale oo ay labo ka mid ah yihiin Ciidamada booliska ay ku dhaawacmeen sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Kooxaha ku labisnaa dharka Shibilka ah ayaa la sheegay inay qaateen hubka askarigii ku geeriyooday Israsaaseynta, waxaana dad goobjoogayaal ay sheegeen in ragga oo gaarayay illaa 5-ruux ay u amba baxeen dhinaca Xaafadda Tarbuunka ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Dhawaan ayay aheyd markii Israsaaseyn middaani la mid ah ay ka dhaceen degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaaadir halkaasi oo kooxo dhar shibil ah wata ay ku dileen askar ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha ammaanka ee DKMG ah.























Comments are closed.