Baladweyne: (Sh.M.Network) — Israsaaseyn qasaaro gaysatay ayaa saacadihii u dameeyay Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya waxa ay ku dhexmartay Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.
Inta la ogyahay hal Askari ayaa ku dhintay mid kalena wuu ku dhaawacmay kaddib markii Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay isku rasaaseeyeen gudaha Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.
Isaraaseynta ayaa ka dambeysay kaddib markii Ciidamo waardiye ka haya Xarunta Maamulka gobolka ay ka shakiyeen Ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda, kaddib ay isku fureen rasaastaasi sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen dad deegaanka ah.
Xaaladda ayaa saakay degan. Waxaana Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ee gobolka Hiiraan ay sheegeen inay bilaabayaan sababtii ka dambeysay waxyaabihii ka dambeeyay israsaaseyntaasi.
“Waxay ahaayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda rasaas ayay isku fureen” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah.
Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan oo ay si wadajir ah gacanta ugu hayaan Ciidamada Dowladda, Ethiopia iyo Jabuuti oo qeyb ka ah kuwa AMISOM ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ka dhacayay falal ammaan darri ah oo mararka iska horkeena Ciidamada Dowladda ee ku sugan halkaasi.























Comments are closed.