Iska horimaad qasaaro gaystay oo ka dhacay Wardhiiglay

maalik_som September 9, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network) Iska horimaadkaani oo xalay saqdii dhexe ka dhacay Xaafadda Xamar-jadiid degmada Wardhiiglay ee gobolka Banaadir ayaa waxa uu dhaxeeyay Ciidamada Dowladda oo fariisimo ku lahaa Xaafaddaasi iyo Kooxo hubaysan oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Xarakada Al Shabaab. 

Mid ka mid dadka deegaanka ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in iska horimaadka uu ahaa mid muddo socday islamarkaana uu ku geeriyooday hal ruux tiro intaasi ka badanna ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo ahaa dad rayid ah. 

Ciidamada Dowladda ee ku sugan Xaafadda Xamar-jadiid ayaa la sheegay in howlgallo ay ka wadaan gudaha degmadaasi kuwaasi oo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyay weerarka lagu soo qaaday Ciidamada Dowladda Soomaaliya. 

Shalay ayay aheyd markii Ciidamada Dowladda howlgallo ay ka sameeyeen degmooyinka Magaalada Muqdisho kuwaasi oo looga hortagayay Kooxo la sheegay inay falal ammaan darri ka wadaan gudaha Magaalada Muqdisho. 

Comments are closed.

Facebook

Twitter