Iska Hor’imaad Khasaaro geestay oo ka dhacay Janaale

maalik_som February 20, 2013 Comments Off

Janaale (Sh.M.Network) Wararka laga helaayo deegaanka Janaale ee Gobolka Sh/hoose ayaa waxa ay ku soo waramayaan in halkaasi uu ka dhacay Iska hor’imaad u dhexeeya Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo isku dhinaca iyo Xarakada Al Shabaab.

Iska Hor’Imaadka ayaa la sheegay in inta la ogyahay ay ku dhinteen illaa 2 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah waxaana wararkii ugu dambeeyay ee halkaasi laga helayo ay tilmaamayaan in xaalada haatan ay degentahay oo Deegaanka Janaale ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda iyo Kuwa Midowga Afrika.

Dagaalka kadib ayaa dad deegaanka waxa ay inoo xaqiijiyeen in halkaasi Ciidamada dowladda iyo Kuwa AMISOM ay  kabillaabeen Howl Gallo Xoogan oo dad u badan dhalinyaro lagu soo qabtay.

Deegaanka Janaale ayaa ka mid ah Deegaanadi ugu dambeeyay  ee Ciidamada dowladda iyo Kuwa Midowga Afrika ay kala wareegeen Xarakada AL Shabaab.

Comments are closed.

Facebook

Twitter