Boosaaso(Sh.M.Network)—Iska hor’imaadkaani oo udhexeeyay Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland iyo kooxo hubeysan ayaa waxa uu ka dhacay Duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka bari gaar ahaan deegaan lagu Magacaabo laad oo duleedka Boosaaso ku yaalla.
Bar Koontarool oo Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin Duleedka Magaalada Boosaaso ayaa la sheegay in ay weerar ku soo qaadeen kooxahani hubeysan kuwaasi oo warar kala duwan ay ka soo bexeyso heebtooda
Majirto wax wara oo ka soo baxay Saraakiisha ammaanka Puntland oo ay faah faahin kaga bixinayaan dagaalkaasi sidoo kale macadda Qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi hase ahaatee maalmihii dambe ayaa deegaanada Maamulka Puntland waxaa hareeyay muran siyaasadeed oo aad uxoogan kaasi oo salka ku haya arinta doorashada Maamulkaasi
Wararka soo baxaya ayaa utiirinaya Kooxahaasi weerarka soo qaaday in ay ka tirsanyihiin Ururka Al Shabaab ama uu qayb ka yahay Khilaafka siyaasadeed ee Puntland ka taagan























Comments are closed.