Muqdisho (Sh.M.Network)—Gudoomiyaha Degmada Hurwaa ee dowladda Soomaaliya Cumar Cabdulle Jacfaan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ku guuleysteen qaadista isbaarooyin sharci darro ah oo ciidanka Maamuulka degmada Hurwaa utiilay xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha ayaa Sheegay in Jak boynti aysan ka war qabin Maamulka degmada aan la dhigi karin degmada Heliwaa isagoona Ciidanka dowladda uga digay in ay dhigtaan isbaarooyin sharci darro ah oo Shacabka lagu waxyeeleeyo.
Hadalkaan ka soo yeeray Maamulka Degmada Hurwaa ayaa imaanaya xilli Maalmihii la soo dhaafay Shacabka Ku nool xaafadda Suuqa Xoolaha ay ka Cabanayeen Jakboyntiyo Sharci darro ah oo ciidanka dowladda ay soo dhigteen Gudaha xaafaddaasi.
























Comments are closed.