Inka badan 300-oo ruux oo lagu qab qabtay Muqdisho

maalik_som October 10, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)— Howlgalkaani oo ahaa kuwa ballaaran ayaa maanta Ciidamada Booliska Dowladda waxa ay ka sameeyeen Xaafadaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir kuwaasi oo lagu soo qab qabtay dad badan oo loogu tuhunsan yahay inay ka dambeeyaan dhibaatooyinka ammaan darri ee ka dhaca gudaha degmadaasi. 

Howlgalka kaddib ayaa waxaa Saldhigga degmada Hodan lagu soo bandhigay Raggii gacanta lagu soo dhigay iyo Bambaanooyin, iyadoo dadkii lasoo qab qabtay ay gaarayaan inka badan 300-oo ruux oo looga shaki sanaa inay xiriir la leeyihiin Kooxda Al Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Booliska ee gobolka Banaadir Jeneral Max’ed Xasan Maalin ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay howlgallada, isagoo carabka ku dhuftay in dadkii lasoo qab qabtay oo gaarayay inka badan 300-oo ruux laga reebay illaa 60-qof oo lagu tuhunsan yahay Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay. 

Sidoo kale Afhayeenka Ciidamada Booliska Cabdullaahi Xasan Bariise oo ka hadlay goobta ayaa waxa uu sheegay in Bambaanooyinka ay yihiin nuuc cusub islamarkaana ruuxii Magaalada lasoo galiyay laga warhayo islamarkaana saacadaha soo socda gacanta lagu soo dhigi doono. 

Guddoomiyaha degmada Hodan ee Dowladda Soomaaliya Cabdi Max’ud Warsame Dhabaneey, oo isna Saldhigga ka hadlay ayaa waxaa uu shegay in howlgallada ay ahaan doonaan kuwa sii socda oo aan marna la hakin doonin, illaa laga xaqiijinayo ammaanka. 

Ma ahan markii ugu horeysay oo howlgallo nuucaani oo kale ah ay Ciidamada Dowladda ka sameeyeen Xaafadaha qaar ee Magaalada Muqdisho, iyadoo inta badan kusoo qab qabtay dad lala xiriiriay Ururka Al Shabaab.

Comments are closed.

Facebook

Twitter