Inka badan 20-ruux oo ku dhaawacmay shil ka dhacay Muqdisho

maalik_som August 26, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network) – Shilkaani gaari ayaa yimid kaddib markii ay isku dhaceen Gaari nuuca hoomeyda ah iyo gaari kale oo yar kuwaasi oo marayay Deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho. 

Darawalkii ka xaynayay gaariga yar oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in shilka uu dhacay islamarkaana uusan geysan wax qasaaro ah, waxaana uu tilmaamay inay ku dhaawacmeen illaa 7-ruux oo 6-ka mid ah ay saarnaayeen gaariga Hoomeyda ah. 

Sidoo kale Darawalkaasi ayaa sheegay in goobta uu ka dhacay shilka gaari ay soo gaareen Ciidamada booliska iyo kuwa Taraafikada, kuwaasi oo kala qaaday labada gaari sida uu hadalka u dhigay. 

Dhinaca kale shil kaasi la mid ah ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Tareedishe ee duleedka Magaalada Muqdisho kaddib markii gaari Nuuca Hoomeyga oo ka baxay deegaanka Kaxda oo kusii jeeday deegaanka Tareedishe uu dhacay Gaari nuuca Xamuulka qaada, iyadoo halkaasi ay ku dhaawacmeen 18-ruux kuwaasi oo kala saarnaa labada gaari. 

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan deeganaka Kaxda oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in shilka uu ahaa mid dhaliyay qasaaro dhaawacyo ah, isagoo tibaaxay in dadkii ku dhaawacmay shilkaasi loo soo qaaday Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Magaalada Muqdisho sida uu hadalka u dhigay. 

Inta badan Magaalada Muqdisho iyo gobolka Sh/hoose ayaa ka dhaca    shilal gaari oo gaysta qasaaro soo gaara dadka rakaabka ah, iyadoo inta badan shilalkaasi lagu eedeeyo inay ka dambeeyaan Darawallada qaar oo ah kuwa aan Mas’uuliyad iska saarin ka xeynta gawaarida.

Comments are closed.

Facebook

Twitter