Imaaraadka Carabta oo ku booriyay in la tayeeyo Ciidamada Somaliya

maalik_som September 28, 2012 Comments Off

Geneva: (Sh.M.Network)    Imaaraadka Carabta ayaa ugu baaqay Dowladda cusub ee Soomaaliya in la dhiso Ciidamada qalabka sida si ay u hantaam ammaanka guud ee dalka. 

Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha Caalamiga ah Cabiid Saalim Al-Zacaabi oo hadal ka jeedinayay Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay kullan ay ku lahaayeenka Magaalada Geneva oo looga hadlayay  Xaaladaha bini’aadannimo ee ka jira dalka ayaa waxa uu sheegay in Dowladdiisa ay dhinac kasta ka taageeri doonto Soomaaliya.

Al-Zacaabi ayaa waxaa uu dhinaca kale ugu baaqay Dowladda cusub ee Soomaaliya in ugu horeyn ay dib u dhis ku sameyso Ciidamada ammaanka, si Dowladda ay u sal dhigato, oo awood buuxa ay ugu yeellato Xaqiijinta ammaanka dalka, loogana bad baado falalka ammaan darri ee inta badan ka dhaca dalka. 

Ugu dambeyn Qunsulka Imaaraadka ee QM ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in aan la hakin dadaallada gurmedka gar-gaar ee Caawimaadda looga fidiyo shacabka Soomaaliyeed ee ay isku biirsadeen dhibaatooyika colaadaha iyo Macluusha.

Comments are closed.

Facebook

Twitter