Muqdisho-(Sh.M.Network)—Ururka Horumarinta Hawenka ee IIDA ayaa soo bandhigay siyaasad kooban oo ku aadan xuquuqda haweenka uu siinayo Dastuurka kumeelgaarka ee Somaliya. (Warsaxaafadeed)
IIDA Ururka horumarinta haweenka waxa ay maanta soo bandhigatay warbixinta siyaasad kooban oo lagu faah faahinayo siduu ahaa halganaka haweenka soomaali u soo galeen labaatankii sano dastuurka ku meelgaarka.
soo bandhigidda waxa ay ka dhacday xarunta IIDA Goodir ee Mogadishu. Curinta IIDA waxaa taageeray Ururka SWA, STEP , CCHD. Soo bandhigidda waxaa ka soo qeyb galay dad badan oo ay si rasmi ah uga mid ahaayeen Xildhibaan Abdirahman Hosh Jibril Wasiirka Dastuurka iyo dib-uheshiisiinta, Halima Ismail Ibrahim la gudoomiyaha gudiga farsamada soo xulida baarlamaanka, Dunio Mohamed Ali oo ka socotay IIDA , Sahra Omar Moalin madaxa gudiga siyaasada SWA, islamarahaantaana ahayd Gudoomiyihii Gudiga hoosaadka qoridda qabyo qoraalka Dastuurka .
Sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay saraakiil sare oo ciidamadii hore ee xooga dalka ahaa , kuwaas oo ka shaqeynaayay amniga qaranka iyo qorshaha dib-udejinta. Qudbadaha Generaalada AbdiWeli Sheikh Mohamud Hussein iyo Ahmed Mohamud Mohamed waxay ku sheegeen “tani waa markii ugu horeysay ay si Wadajir ah u kulmaan saraakiisha xoogga dalka , Xildhibaano iyo bulshada rayidka iyo dadkale oo bulshada dhaxdeeda saameyn ku leh” waxa ayna ka mahadceliyeen dadaalka ay wado IIDA. Sidaas si la mid ah waxaa soo xaadiray kulanka xubno ka mid ah baarlamaanka sida Xildhibaanad Dunio Mohamed Cali Farax, Xildhibaanad Jawaahir Ahmed Elmi, Xildhibaanad Casho Koos Mohamud Omar iyo Xildhibaan Mohamed Mohamud Guure. waxaa kale oo ka soo qeyb galay aqoonyahano sida professor Cabdi Abshir, Ururo xirfadlayaal, wakiilo SWA,SCSC wakiiladeeda iyo xubno ka socoday ururada bulshada.
inta uu socday soobandhigida Halima Ibrahim, waxa ay hoosta ka xariiqday caqabadaha horyaalay dumarka, sida diyaarinta, xulashada golaha sharciyada qaran, NCA iyo ansaxinta dastuurka. Dunio Mohamed Ali, waxa ay faahfaahin ka bixisay halganka haweenka u soo galeen ururada bulshada rayidka ay hogaaminayeen IIDA iyo SWA, si loo xaqiijiyo Xuquuqda madaniga ,siyaasada bulshada , dhaqaalaha iyo dhaqanka. Xildhibaan Hosh, waxa uu qeexay haweenka in ay la kulmayaan caqabado xiliga fasiraada iyo dhaqangalinta dastuurka kumeelgaarka.
golaha sharciyada qaran ee 825 xubin , Xubnihii matalaayay NCA , ee wakiilka ka ahaa qeybaha kala gadisan ee mujtamaca si ay u eegaan ugu dambeyntiina ay u ansaxiyaan dastuurka ku meelgaarka ah. Dastuurka ku meelgaarka ah waxa uu leeyahay qodobo kuwaasoo dhowrayo xuquuqda haweenka ee soo socoto: xuquuqda ka qeyb galka haweenka sadaxda waax ee dowlada iyo gudiyada madaxbanaan ee qaranka ; joojinta midabtakoorida ku salaysan jinsiga ; Gudniinka ficowniga ; ilmo sooridida oo la ogolaaday si loo badbaadiyo nolosha hooyada , iyo ka hortaga xadgudubaka galmad, kala soocid iyo faquuqid lagu sameeynayo haweenka xarumaha shaqada. kuwa kale ee lagu dhowrayo waxaa ka mid ah mamnuucida guurka qasabka iyo in aan howlaha ciidamada laga faquuqin haweenka.
Siyaasada kooban waxa ay hoosta ka xariiqday caqabadaha soo wajahaya haweenka in ficil ahaan lagu badalo xuquuq dastuuri. Caqabadaha waxaa ka mid ah awooda dowlada ay ku bixineyso adeegyo , awooda ay haweenka ku dalbankaraan adeeg taasoo ay sabab u tahay labaatankii sano aan jirin dowlad shaqeyso, aqoondari ka haysato dastuurka , awooda xadidan ee maxkamad dastuuri ah si loo sameeyo fasiraad dastuur, dhibaatada musuqmaasuqa dowlada dhaxdeeda sharcidajinta oo ku mashquulsan in ay mudnaanta siiso nabadgalyada iyo daganaanshaha halka ay siin lahayd xuquuqda haweenka mudnaantooda.
IIDA, iyo SWA, STEP Programme and CCHD waxa ay sii wadi doonaan xulufeysi ay la sameeyaan hayadha kale ee qaranka. waajibka bixinta dadaal Wadajir ah ay sameeyaan dowlada iyo jilayaasha aan dowliga aheyn kuwaas oo masuul ka ah sida ay u gaari la haayeen qodobadaan. IIDA iyadoo fursadaan ka faa’iideysaneyso waxa ay ku dadaaleysaa sidii looga miradhalin lahaa hadafka xuquuqul insaanka somaaliya.
-Dhamaad-
Halkan Ka daawo Sawirada




































Comments are closed.