Human Rights Watch: Yaan sirdoon loo adeegsan Dambiilayaasha Somaliya

maalik_som September 28, 2012 Comments Off

Nairobi: (Sh.M.Network)       Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Qaramada Midoobay u qaabilsan ayaa ugu digtay Dowladda Soomaaliya inay sirdoon u adeegsato dhalinyaro dhawaan lagu soo qab qabtay inay maleegeen qaraxyo Ismiidaamin iyo kuwa kale oo ka dhacay Muqdisho. 

War ay soo saartay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa lagu sheegay inay jiraan dhalinyaro da’yar oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda ee Soomaaliya kuwaasi oo lala xiriirinayo inay ku lug lahaayeen Weeraradii Ismiidaaminta ee ka dhacay Guriga Hooyooyinka gaar ahaan Bar The Village. 

Human Rights Watch ayaa tibaaxday in dhalinyartaani inta ugu badan ay gacanta kusoo dhigeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya markii ay dhaceen weraradii  ismidaminta ahaa ee lagu qaaday Hotelkii uu daganaa Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud iyo baarkii laga qaxweyn jiray ee ku yaalla agagarka Tiyatarka qaranka. 

Cilmi bare ka tirsan Hay’addaan oo lagu magacaabo  Laetitia Bader ayaa xusay in dhalinyaradan ay gacanta ku hayaan Ciidamada ammaanka aan wax sharciya la hor keenin, isagoo ugu baaqay dowladda Soomaaliya in Dhalinyaradaaasi aan loo adeegsan Sirdoon sida uu hadalka u dhigay. 

Xabsiyada ku yaalla Muqdisho ayaa waxa ku jiro dhinyaro kala duwan oo loo soo qab qabtay inay ka dambeyeen weeraro iyo qaraxyo Ismidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Comments are closed.

Facebook

Twitter