Howlghallo lagu qab qabtay ku dhawaad 100-ruux, Kismaayo

maalik_som October 3, 2012 Comments Off

Kismaayo: (Sh.M.Network)  Ciidamada Dowladda Soomaaliya, Kenya iyo Ururka Al Shabaab ayaa maanta howlgallo dad badan lagu soo qab qabtay ka sameeyay gudaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose.

Dad deegaanka ah ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Raaskambooni ay qab qabteen ku dhawaad 100-ruux oo lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab. 

“ Dadka la qab qabtay way badnaayeen, gacmaha ayaa laga xir xiray iyo indhaha Gawaari dagaal ayaa la saartay, Ciidamada dowladda ayaa watay” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah. 

Jeneral Saxar-diid oo ah Sarkaalka ugu sareeya Ciidamada Dowladda ee Jubbada hoose ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada maanta ay ku baxeen dhowr Xaafadood oo ku yaalla Magaalada Kismaayo islamarkaana ay kusoo qab qabteen rag la tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin Xarakada Al Shabaab. 

Dadka la qab qabty ayaa lakala geeyay Saldhigyada ay Ciidamada huwanta ah ku leeyihiin Dekadda iyo waliba Eleboorka Magaalada Kismaayo kuwaasi oo iminka ku socda baaritaanno xooggan.’

Xaaladda ayaa degan, marka laga reebo howlgallada maanta ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.

Comments are closed.

Facebook

Twitter