Howlgalo lagu Xaqiijinaayo Amaanka Oo Laga Sameeyey Baladweyne

maalik_som December 4, 2012 Comments Off

Baladweyne (Sh.M.Network)— Sida ay ku waramayaan wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya ii ciidanka dowladda iyo kuwa jabuuti oo qeyb ka ah Ciidanka Amisom ayaa howlgalo waxay ka sameeyeen Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan .

Holwgalada oo ahaa kuwo lagu xaqiijinayo amaanka isla mar ahaataana lagu soo qabqabtey dad la sheegey iney xiriir la leeyihiin ururka Alshabaab ayaa saacidihii ugu dambeeyey ciidanka dowladda iyo kuwa Amisom waxa ay ka sameeyeen xaafdaha ay ka kooban tahay magaalada Baladweyn ee Xarunta gobolka Hiiraan .

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya Maxamuud Nuur Cagajoof oo la Hadley idaacada shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegey in howlgalada ay kaga golleeyihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen dilal qorsheysan oo ka dhaca Magaalada Baladweyne .

Afhayeenka ayaa xusey in shacabka magaalada ay la shaqeenayaan isla mar ahaataana ay soo war gelinayaan dadka falalka amni daro ka wada Magaalada  Baladweyne isagoona sheegey in howlgalada ay sii wadayaan tan iyo inta ay ka xaqiijinayaan amaanka magaalada Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan oo ay si wadajir ah ayaa waxaa gacanta ku wada haya ciidamada Dowladda iyo Kuwa Ethiopia iyo ciidamo Jabuutiyaan ah oo qeyb ka ah kuwa AMISOM waxaa maalmihii ugu dambeeyey ka dhacayey Falal amni Daro oo isugu jira Dilal Qorsheysan iyo Qaraxya ka dhaca Magaladaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter