Howlgallo waxyaabaha qarxa lagu soo qabtay oo laga sameeyay Kismaayo

maalik_som October 30, 2012 Comments Off

Kismaayo-(Sh.M.Network)—Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose ayaa ku waramaya in howlgallo ay halkasi ka sameeyeen Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ee gacanta ku haya Magaaladaasi ay ku soo heleen waxyaabaha qarxa iyo miinooyin ku asaanaa qeybo ka mid ah Kismaayo. 

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo oo Shabelle la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya howlgalada ay saakay ka sameeyeen Magaalada ay ku soo qabteen miinooyin la sheegay in xalay lagu aasay qeybo ka tirsan Kismaayo. 

Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in howgalkaasi lagu soo helay miinooyin iyo waxyaabo kale oo qarxa, hase ahaatee saraakiishu waxa ay sheegeen in aysan macluumaad dheeraad ah ka bixi karin arrintaasi, maadaama ay wali soconayaa howlgaladu. 

Howlgaladan ka soconay Magaalakada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose ayaa qeyb ka ha howlgalo maalmihii danbe ay ciidamada wajirka ah ay ka samaynayeen Magaaladaasi, kuwaasi oo looga danlahaa xaqiijinta Ammaanka Kismaayo.

Comments are closed.

Facebook

Twitter