Muqdisho: (Sh. M. Network) Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya ayaa howlgallo qasaaro gaystay waxa ay ka sameeyeen gudaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Howlgalka oo ay fulliyeen Ciidamo gaar ah ayaa la sheegay in intii uu socday waxa ay ku dileen mid ka mid ah Xoolihii dhaca ka gaysan jiray Xaafaddaasi, halka Ciidamada ay gacanta ku dhigeen labo ka mid ah dadkii qaska waday, mid kalena uu goobta isaga baxsaday.
Dad deegaanka ah ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid lagu dilay burcad badan oo dhibaateyn jirtay dadka shacabka ah, islamarkaana ka qaadan jirin allaabooyinka ay haystaan dadkaasi.
Dhinaca kale howlgal daba socday kii hore ayaa isla xalay waxa uu ka dhacay Xaafadda Sooni-Key, iyadoo lagu dilay 3-ruux oo la sheegay inay ka mid ahaayeen kooxihii burcadda ahaa halka la tilmaamay in Haweenay shacab ah ay ku dhaawacantay goobta uu ka dhacay howlgalka, waxaana qaar ka mid ah burcaddii la weeraray ay ka baxsadeen goobta.
Arrintaani ayaa ka dambeysay kaddib markii Habeen ka hor Xaafadda Sooni-Key degmada Hodan ee gobolka Banaadir lagu dilay dad rayid ah, kuwa kalana lagu dhaawacay, waxaana dhibaatooyina ka jira halkaasi muddooyinkii dambe la sheegay inay gaysanayeen Koox ku labisan Dareeska Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya.























Comments are closed.