Muqdisho: (Sh.M.Network) Howlgallo dad badan lagu soo qab qabtay ayaa Ciidamada ka tirsan Dowladda Soomaaliya waxa ay ka sameeyeen Xaafadaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Sida ay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyeen dad deegaanka ah, Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ballaaran waxa ay ka sameeyeen Xaafadaha Buul-Xubey iyo Nasteexo oo ka tirsan gobolka Banaadir.
Howlgallada ayaa la sheegay in lagu qab qabtay Rag ku labisnaa dareeska Ciidamada Dowladda iyo kuwa kale oo lala xiriirinayo inay falal ammaan darri ka gaystaan gudaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Goobjooge ku sugan degmada Wadajir ayaa waxa uu sheegay in raggii lagu qab qabtay howlgallada ay xalay sameeyeen Ciidamada Dowladda ay ku xir xiran yihiin Saldhigga degmadaasi sida u hadalka u dhigay.
Guddoomiye ku xiggeenka degmada Wadajir Xuseen Bootaan oo howlgalladaasi faah faahin kaga bixiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in dadkii lagu soo qab qabtay howlgalladaasi ay ku xiran yihiin Saldhigga Wadajir islamarkaana lakala saari doono, isagoo xusay in howlgallada ay ahaan doonaan kuwa joogto ah illaa laga xaqiijinayo ammaanka.
Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa lagu xusuustaa inay ka mid aheyd degmooyinka ugu xasiloon Muqdisho, hase ahaatee muddooyinkii dambe ayaa waxaa kusoo kordhay dilala qorsheysan oo ay gaystaan Kooxo hubaysan oo aan heybtooda la garaneyn, wallow marar badan ay Saraakiisha degmadaasi ku cel celiyeen inay tallaabo ka qaadayaan Kooxahaasi.























Comments are closed.