Howlgallo lagu qab qabtay rag ka tirsan Al Shabaab oo ka dhacay Afgooye

maalik_som September 5, 2012 Comments Off

Afgooye: (Sh. M. Network) Howlgallo la sheegay in lagu soo qab qabtay rag ka tirsan Al Shabaab kaddib howlgallo Ciidamada Dowladda ay ka sameeyeen gudaha degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose ee Dowladda C/qaadir Max’ed Nuur Siddii oo maanta la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in howlgallo ay ka sameeyeen deeganno ka tirsan gobolkaasi ay kusoo qab qabteen rag ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

C/qaadir Siiddii ayaa waxa uu tilmaamay in howlgalladaasi ay ahaayeen kuwa abaabulan, loogana hortagayay Xarakada Al Shabaab, isagoo xusay in rag badan oo ka tirsan Kooxdaasi gacanta lagu soo dhigay, inkastoo uusan shaaca ka qaadin tirada dadkaasi.

Guddoomiyaha ayaa wacad ku maray in howlgallada ay ahaan doonaan kuwa sii socda illaa laga xaqiijinayo ammanaka deegaannada gobolka Sh/hoose, waxaana uu intaasi ku daray in Saraakiil ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay bilaabeen inay isaga cararaan deegaanno ka tirsan gobolkaasi oo ku fool leh Ciidamada Dowladda sida uu hadalka u dhigay.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab oo ku aaddan in tiro ka mid ah lagu qab qabtay howlgallo laga sameyay  deegaanno ka tirsan gobolka Sh/hoose, wallow inta badan degmada Afgooye ay ka dhacaan weeraro qorsheysan oo lagu qaado Saldhigyada Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gudaha Magaaladaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter