Howlgallo lagu qab qabtay Inka badan 170-ruux, Muqdisho

maalik_som September 8, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network) Howlgalladaani oo ahaa kuwa ballaaran islamarkaana ay fuliyeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ka sameeyeen Xaafado badan oo ka tirsan degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir halkaasi oo lagu soo qab qabtay dad badan oo lala xiriirinayo qaarkood inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab. 

Jeneral Garaad Nuur Cabdulle oo ah Taliyaha Ciidamada booliska  qeybta  bartamaha oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in howlgalladaani ay ahaayeen kuwa lagu xaqiijinayo ammaanka Magaalada Muqdisho, loogana hortagayo kooxaha nabadiidka ah, isagoo carabka ku dhuftay in howlgalka lagu soo qab qabtay dad kor u dhaafaya 170-ruux.

Guddoomiyaha degmada Xamar-jajab Max’ed Cali Axmed oo isna la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in howlgalladaani maalmihii  dambe ay ka socdeen gudaha degmadaasi islamarkaana  sida uu tibaaxay looga hortagayo kooxaha falalka ammaan darri ka geysanaya gudaha degmadaasi, isagoo xusay in dadka lakala saari doono oo ciddii dambe lagu waayo la iska fisixi doono kuwii lagu helana ciqaabtooda ay mari doonaan sida uu hadalka u dhigay. 

Maalmo ka hor ayay aheyd markii howlgallo dad badan lagu soo qab qabtay ay Ciidamada dowladda ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasi oo Saraakiisha Dowladda ay ku sheegeen in lagu xaqiijinayo amaanka Magaalada Muqdisho.

Comments are closed.

Facebook

Twitter