Muqdisho(Sh.M.Network)—Sida ay kuwaramayaan wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidanka dowladda iyo kuwa jabuuti oo qayb ka ah Ciidamada AMISOM howlgallo lagu xaqiijinayo saakay ay kawadaan gudaha Magaaladaasi
Goob Joogayaal kusugan Magaalada Baladweyne ayaa Shabelle usheegay in howlgallada ay siwada Jira uwadaan Ciidamada huwanta ah ee halkaasi kusugan.
Howlgallada ayaa ka soconaya Xaafadaha Xaawo Taako,iyo Kooshin halkaasi oo lagu arkayo Ciidamo isugu Jira kuwa dowladda iyo Kuwa AMISOM kuwaasi oo baaritaano kawada xaafadahaasi
Saraakiil katirsan Ciidanka dowladda iyo kuwa Jabuuti oo Shabelle ay la xiriirtay ayeysan noo suura galin in aan qadka ku haleelno si aan wax uga weydiino howlgallada kasocda Gudaha Magaaladaasi Baladweyne
Dhawaan ayey ahayd markii kulan looga hadlayay ammaanka Gobolka Hiiraan uu ka dhacay Gudaha Magaaladaasi Baladweyne kaasi oo ay ka qayb galeen wax garad ,siyaasiyiin ,Culumaa’udiin iyo aqoonyahanno kasoo jeeda Gobolkaasi
























Comments are closed.