Muqdisho(Sh.M.Network)—Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/Dhexde ayaa waxa ay sheegayaan in saakay halkaasi Howlgallo ay kawadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya .
Howlagallada ayaa saakay Waaberigii Ciidamada dowladda waxa ay ka billaabeen xaafadaha Degmada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe
Mid kamida dadka Kunool Magaaladaasi oo lahdlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in saakay degmadaasi uu ka socdo Howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka Magaaladaasi Jowhar
Sidoo kale Goob joogaha ayaa waxa uu tilmaamay in Howlgalladaasi aysan jirin cid illaa iyo haatan lagu soo qabtay .
Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/dhexe ayaa dhawaan waxaa lawareegay gacan ku heynteeda Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM Magaaladaasi oo in muddo ah ay maamulayeen Ururka Al Shabaab
























Comments are closed.