Howlgallo ka badalan kuwii hore oo laga sameeyay degmooyinka Muqdisho

maalik_som September 23, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)  Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ka badalan kuwii hore waxa ay ka sameeyeen degmooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho. 

Markii maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ay ka dhaceen falal isugu jira dilal qorsheysan iyo qaraxyo Ismiidaamin ah oo qasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray dad shacab ah ayaa si falalkaasi loo hakiyo Ciidamo qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya waxa ay sameeyeen xalay howlgallo iyo baaritaanno lagu hakinayo sii socoshada dhibaatooyinkaasi.   

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Militariga, Booliksa iyo Nabad sugidda ayaa xalay la arkayay iyagoo howlgallo ka wada inta badan degmooyika Muqdisho gaar ahaan Hodan, Howlwadaag, Yaaqshid, Huriwaa iyo degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. 

Goobjoogayaal ku sugan goobihii xalay baaritannada laga sameeyay oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Ciidamo ay qab qabteen dad farabadan, iyadoo aan lagu kala saareyn rag iyo Dumar intaba, waxaana ay intaasi raaciyeen in howlgalladii xalay ay saameyeen ganacsigii ka jiray halkaasi. 

Saraakiishii horkacaysay howlgalkaasi waxa ay sheegeen inay dib kaga faah faahin doonaan cidda ay kusoo qab qabteen howlgalladaasi, hase ahaatee xalay ayay aheyd markii Muqdisho siyaabo kala duwan loogu dilay Mustaf Xaaji Max’ed oo ka mid ah Xildhibaanada barlamanka iyo Haweenay ganacsato aheyd oo lagu dilay Xaafadda Sooni-key degmada Hodan ee gobolka Banadair.

Comments are closed.

Facebook

Twitter