Muqdisho: (Sh.M.Network) Howlgalladaani oo ay Ciidamada Dowladda ka sameeyeen Xaafadaha SOS iyo Al-Cadaalla oo ka tirsan degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo qab qab qabtay dad la sheegay inay falal ammaan darri ah ka gaysanayeen degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.
Dadkaani ayaa la sheegay inay isugu jiraan dad burcad ah iyo kuwa kale oo lala xiriirinayo AL Shabaab sida ay Idaacaddda Shabelle ee Magaalada Muqdisho uu u xaqiijiyay goobjooge ku sugan halkaasi oo tibaaxay in howlgalladaasi ay socdeen gallinkii dambe ee shalay illaa xalay.
Inkastoo Ciidamada Dowladda mar waliba ay sameeyaan howlgallo ayaa haddana waxaa ay cabasho kasoo yeeraysaa shacabka ku dhaqan halkaasi oo qaati ka taagan Kooxo ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda.
Maalmihii dambe ayaa waxaa falal ammaan darri iyo dilal qorsheysan ay ka jireen Xaafdaha degmada Huriwaa, iyadoo howlgallada laga sameeyo inta badan Huriwaa ay daba socdaaan Ciidamada Dowladda oo doonaya inay wax ka qabtaan falalkaasi ammaan darri.























Comments are closed.